RW Xamse Barre Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Sanduuqa Badbaadada Carruurta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aadanimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bini’aadanimo ee hey’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Related posts

FBI Maraykanka Oo Wali Baadhaysa Sababta Ku Kaliftay Inuu Is Qarxiyo Nin 63 Jir Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Si Adag Uga Jawaabtay Baaqii Ka Soo Baxay Dalalka Jaamacada Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

Qorshaha Madaxwayne Biden Ku Doonayo In Uu Iskaga Maydho Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More