Ciidanka Dowladda & Kuwa Jubbaland Oo Degaano Horleh La Wareegay

Ciidanka Jubaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadeen deegaannada galbeedka Kismaayo iyagoo la wareegay deegaanno ay horey uga talin jireen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka billaawday degaanka Janaay Cabdalle ayaa Ciidamadu kula wsreegewn degaannada, Kooya, Yaaqdabeyl iyo Qudus, halkaas oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay inay weli sii socdaan howlgallada, isla markaana qorshahoida uu yahay in dhammaan degaannada iyo degmooyinka Jubbaland laga saaro Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaaqay in siwadajir ah degaannada Jubbaland looga bilaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Related posts

Mareykanka Oo Baaq Kasoo Saaray Heshiiska Shirkii Baydhabo Ee Gudiyada Farsamo Soo Saareen

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In La Dilay 127 Katirsan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More