Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee waddankan Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.
Danjire Kamau ayaa sheegay in taasi ay tahay in lagu saleeyo wadaxaajood ku aaddan isu socodka dadka iyo fursadaha ganacsi.
Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii wafdi uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu dhawaan tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo madaxda dhiggooda ah ay kala xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin “xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.”
“Arrintan waxay ahayd mid muddo soo jirtey, Madaxweynaheenna Uhuru Kenyata ayaa muujiyey sida uu u rabo in fisaha loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliya, si sahlanna ugu soo safraan Kenya, markaa ma aha wax cusub. Siyaasadda aannu ku haminayno ayaa ah in dal ku galka Kenya ay Soomaalida ku helaan si la mid ah sida waddammada Itoobbiya, Ugaandha iyo Tansaaniya oo ah si fudud”.
Mr Kamau ayaa gaashaanka u daruuray in wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray wafdigiisa iyo kuwa Soomaaliya ay gun dhig u aheyd xayiraadda saaran khaadka Kenya ee Soomaaliya la gayn jiray, waxa uuse sheegay in isagu uu soo hadalqaaday dhibaatada xayiraadda ay u gaysatay beeralayda kaadka ee dalkiisa.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com