Borama News Network

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Beledweyne Iyo Xogihii Ugu dambeeyay

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay magaalada Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, iyada oo qeybo ka mid ah magaalada durbadiiba laga dareemay saameyntiisa.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Beledweyne ayna faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa la arkayey magaalada oo ku fatahay Wabiga xilli digniino ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Magaaladaan madaxa u ah gobolka Hiiraan ayaa u nugul fataahadda wabiga, waxaana markasta uu geystaa qasaare kala duwan oo u badan mid hanti, waxaana xusid mudan in dadka deegaanka ay u guuraan magaalada banaankeeda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino ku aadan fatahaad iyo daadad ka dhasha Roobka Guga ee ka curtay qaar ka mid ah gobollada dalka, iyada oo ugu baaqday  dadka degan hareeraha wabiyada in ay isaga guuraan, si uu u yaraado qasaaraha.

Related posts

Maamulka Puntland Oo Magaalada Boosaaso Ka Raafaya Boqolaal Oromo Ah Oo Looga Shikiyay Amni Darada Magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

“Dhulbahante Iyo Somaliland Oo Geed Wada Fadhiya Ayaa La Arki Doonaa ” Afhayeenka Waaberi

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Baarlamaanka Somaliya Oo Isla Maanta Ansixiyay Heshiiskii Difaaca Bada Ee Somaliya Ay La Gashay Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff