Borama News Network

Dowlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Abaabul Dagaal Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Turkiga ayaa xalay xilli dambe ku daabacay faafin rasmi ah; Xeerarka 52-bog ee habraacyada la raacayo haddii ay dhacdo in Turkigu galo xaalad dagaal isla markaana uu ku dhawaaqo abaabul guud.

Ma Jirto waxaa sababi kara baahida Turkiga u qabo in wax ka bedel lagu sameeyo nidaamkan oo ku salaysan isbeddelka iyo horumarinta nidaam la jaan qaadaya isbeddelka adduunka, kaas oo u baahan in si degdeg ah loo fuliyo.

Hadda waa la bedelay, Erdogan ayaa saxiixay, waxaana lagu daabacay faafinta rasmiga ah.

Qofna hadda ma oga in Turkiga wax ka beddelkan uu yahay diyaarinta dagaal suurtagal ah, ama haddii ay tahay wax u baahan wax ka beddel lagama maarmaan ah.

Guud ahaan, duniddu waxay waqti hore isu diyaarisay dagaal, xataa waddama reer Yurub oo horey iyagu u dhimay miisaaniyada hubka si ay kharaashaadka ugu bixiyaan daryeelka dadka, waxay dib ugu noqdeen miisaaniyadooda , waxayna kor u qaaday dhaqaalaha ay geliyaan hubka, marka laga hadlo go’aanka hadda uu Turkiga isbeddel u sameeyay, waxay la macno tahay inay suurtogal tahay in go’aankani uu u diyaargaroobo dagaal kasta, looma baahna inan u qaadano ku dhawaaqis dagaal, marka loo eego marxadda xilligan ee caalamka , Tani waxa ay u muuqata in dhankiisa uu galayo abaabul dagaaal ama diyaar garow dagaal xili kasta dhaca.

Related posts

Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday markabka shidaalka qaada oo lala xiriiriyay Britain

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Sixir Bararka Ee Ka Taagan Dalka Nigeria Oo Halkii Ugu Saraysay Gaadhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Oog Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Biixi Uu Ku Tegayo Oog

Abdiaziz Bnnstaff