Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerrarkii Ka Dhacay Magaalada Qudus

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in 13 jir Falastiini ah uu gaystay weerrar ka dhacay xaafad ka baxsan aagga qadiimiga ah ee magaalada Qudus kaas oo wiil iyo aabihii ay si xun ugu dhaawacmeen.

Wiilka da’da yar ee weerrarka gaystay ayaa markii dambe toogasho lagu dhaawacay.

Weerrarkan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii Falastiini hubaysan uu todoba qof ku dilay meel u dhaw kaniisad.

Iyagoo ka jawaabaya weerraradaasi ayaa booliska waxa ay sare u qaadeen heer feejignaanta iyagoo gaarsiiyay meeshii ugu sarraysay, halka milateriga Israa’iil uu sheegay inay xoojin doonaan ciidammada ka jooga Daanta Galbeed ee la haysto.

Khamiistii, sagaal Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay howlgal milateriga Israa’iil ay ka fuliyeen magaalo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe Iyo Wafdi Horudhac u Ah Oo Gaaray

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Digniin Culus Kasoo Saartay Roobab Dabeylo Wata Oo Kusoo Wajahan

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxo Hubaysan Oo Wadada Maka Almukarama Ee Muqdisho Ka Bilaabay Dhac Iyo Boob

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More