Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Booqanaysa Waddanka Liibiya Iyo Ujeedada Booqashadaasi

Ra’iisul wasaaraha waddanka Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa gaartay caasimadda waddanka Liibiya ee Tripoli, halkaas oo la filayo in ay ku soo gasho heshiis gaas oo ballaaran.

Shirkadda shidaalka ee ay leedahay dowladda Liibiya ayaa heshiis ku kacaya 8 bilyan oo doollarka Mareykanka waxa ay la gashay shirkadda wayn ee tamarta ee Eni, si xeebaha Liibiya loogaga qodo ceelal shidaal.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli Yurub ay dhexmaquuranayso dhibaato daran oo dhanka tamarta ah, halka kala qoqobnaan ba’an ay ka dhex jirto gudaha waddanka Liibiya.

Ms Meloni ayaa waxa ay marka hore ra’iisul wasaaraha Liibiya ee ay caalamku dowladdiisu aqoonsan tahay kala hadli doontaa, mid kamid ah waxyaabaha ahmiyadda gaarka ah u leh isbahaysigeeda midigta fog, taas oo ah sidii loo xakamayn lahaa qulqulka muhaajiriinta.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Hubaynayso Koox Falaago Ah Iyo Sobobta Ay U Hubaynayso

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Sababay Kor U Kaca Dadka Mudooyinkii U Dambeeyay Ku Yimid Dadka Isdilaya Ee Gudaha Somaliland ?

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Ubax Dhigay Taalada Dhagac Tuur Ee Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More