Dad Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Koonfur Afrika Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Dabley hubeysan ayaa 8 qof ku dilay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay rasaas ku fureen dad u dabaaldegayay xaflad dhalasho oo ka dhaceysay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Laba nin oo hubaysnaa ayaa fiidnimadii xaley gudaha u galay barxadda guri ku yaalla xaafadda Gqeberha, oo hore loo oran jiray Port Elizabeth, waxayna si rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa goobta ee ka qeybgalayay xafladda, sida ay sheegeen booliska.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Milkiilihii guriga, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka u qaabilsan booliiska Bheki Cele iyo madaxa booliiska Fannie Masemola ayaa lagu wadaa inay hogaaminayaan wafdi maanta gaarayaa goobta uu weerarka ka dhacay si loo baaro sababta ka dambeysay.

Ma jirto cid loo soo qabtay weerarka, waxaana la wadaa baaritaan la xiriira toogashada, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

 

Related posts

Taliska Mareykanka Ee Afrika Iyo Militariga Faransiiska Oo ka Wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Ee Dhinaca Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Borama Oo Si Fiinta Uga Qayliyay Maayir Saleebaan Xadi Ugu Baaqay In Uu Xilka Baneeyo

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Xayiraado Ku Soo Rogtay Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More