Dowlada Somaliya Oo War Kasoo Saartay Shirka Amniga Dalka Ee Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin AL-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Waxaana Shirkan horkacaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah AL-Shabaab iyo guud ahaan amniga gobolka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Related posts

Sargaal Boolis Ah Oo Gabdh Madaw Ah Ku Toogtay Magaalada Ohio Ee Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Walaac Amni Oo Ay Muujiyeen Haayadaha Samafalka Ka Shaqeeya

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni Oo U Jawaabay Xildhibaan Maxamed Abiib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More