Xukuumadda Somalia Oo Norway Kala Hadashay Arrimo La Xidhiidha Taageero Hor Leh

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan Safaaradda Norway ee Soomaaliya kula qaatay Haakon Svane iyo Madaxa Xirrirka Iskaashiga Horumarinta Erling hess Johnsen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Istaraatiijiyadda dowladda Norway ay ku taageereeyso Soomaaliya iyado waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9 iyo mashaaricda horumarineed ee ay Dowladda Norway ku taageerto Soomaaliya.Sidoo kale, intii kulanku uu socday waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in la derdergeliyo mashaariicda xasilinta ee goboladda dhawaan laga xoreeyey Al-shabaab kala duwan ee dalka lagu taageero lagu salleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh dalka Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud iyo danjiraha Dalka Norway ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qorshenayso sidii loo amba-qaadi lahaa howlaha kala duwan ee hadda socda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay oo Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusuf Qanyare, Madaxa Xafiiska Isu-duwida Deeqaha iyo Barnaamijyada Maxamed Daahir Farax.

Related posts

“Muuse Biixi Diyaar Ima Aha In Uu Qabto Doorasho” Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Galmudug Oo Wakiilada Beesha Caalamka Kala Hadlay Doorashooyinka Golaha Shacabka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasiyiinta Ku Midoobay Furashada Ururada Siyaasada Oo Si Adag Ugu Jawaabay Mucaaridka Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More