Boqollaal ciidamo nabad ilaalin ah ayaa waxaa loo daadgureeyay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, kaddib markii la gaaray heshiis lagu soo afjarayo collaadda gobolkaasi ka taagneyd.
Dagaal culus oo Azerbaijan iyo ciidamo asal ahaan ka soo jeeda Armenia halkaas ku dhexmaray ayaa waxa uu socday muddo todobaadyo ah, illaa markii dambe ay labada dhinac ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo uu Ruushku garwadeen ka ahaa oo la gaaray Isniintii.
Gobolkaas ayaa caalamka waxaa looga aqoonsan yahay in Azerbaijan uu ka tirsanyahay hasayeeshee waxaa tan iyo 1994-tii maamulayay qowmiyad Armenia ka soo jeeda.
Heshiiska nabadda ee la gaarayna waxa uu horseeday in lagu dabaaldego Azerbaijan halka uu caro ka dhaliyay Armenia.
Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Azerbaijan ay haysato dhowr deegaan oo ay la wareegtay intii uu dagaalku socday. Armenia ayaa sidoo kale ogolaatay in todobaadyada soo socda ay isaga baxdo dhowr deegaan oo halkaas ku yaal.
Weriyaha BBCda Orla Guerin oo ku sugan magaalada Baku ayaa waxa ay sheegaysaa, in guud ahaan heshiisku uu guul u yahay Azerbaijan guuldarrana uu u yahay Armenia.
Dibadbaxayaal ku sugan Armenia ayaa waxa ay waxyeello gaarsiiyeen dhismayaal ay dowladdu leedahay waxa ayna ku baaqeen in Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan uu xilka banneeyo.
Heshiiska nabadda ee uu saxiixeen madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, ayaa waxa uu dhaqangalay Talaadadii abaare 01:00 waqtiga maxalliga ah.
Khudbad uu taleefishinka ka jeediyay madaxweyne Putin ayuu ku sheegay in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Ruushka halkaas loo daadgurayn doono si ay u gaafwareegaan furunta dagaalka. Toban diyaaradood oo wada ciidammadii ugu horreeyay ayaa arooryadii hore ee Talaadada waxa ay ka ruqaansadeen saldhigga cirka ee Ulyanovsk.
Ugu yaraan 2,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ugu dambayntii la gayn doonaa gobolkaasi waxa ayna ilaalin doonaan “marinka Lachin” ee caasimadda Karabakh, Stepanakert, ku xira Armenia. Sagaashan gawaarida gaashaaman ah ayaa iyana qeyb ka noqon doona howlgalkaas shanta sano socon doona ee la cusboonaysiin karo.
Mr Putin ayaa sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in la isdhaafsado maxaabiista dagaalka, iyo in dhammaan xiriirka ganacsiga iyo gaadiidka aanan la jarin.
Xaafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com