Doorashada Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeele Oo Maanta Dhacaysa

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa shalay khudbado u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo uga hadlay wax qabadkooda ku aadan markii xilalkaas loo doorto.

Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la filayaa inay si rasmi ah u doortaan Madaxweynaha hoggaamin doona maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la sheegayaa in Doorashada ay tahay mid adeg.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale farabadan oo kale ayaa ka qeyb galaya doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta siweeyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad iyo kuwa Hirshabeelle, iyadoona dhaq-dhaqaada Magaalada aad loo yareeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee Jowhar.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddiga Dib U Heshiisiinta Gobolka Gedo Oo Gaadhay Kismaayo Iyo Kulamo U Bilowday

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargeysa Oo Farta Ku Fiiqay Maayirka Ku Haboon Maamiyirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

”Taliye Nuux Taaniyoow, Dadku Iyagoo Haraad u Dhimmanaya Dabrid Lagaama Filanayn” Xildhibaan Axmed Guruuje.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More