Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Oo War Ka Soo Saaray Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Laascaanood

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay.
Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.
Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas”

Related posts

Madaxwayne In Aad Suuqa Dhex Lugayso Looma Baahno Ee Shacabku Xisaab Ayay Kaa Sugayaan” Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

IMF Oo Ansixisay $0.97 Milyan Oo Qeyb Ka Ah Geedi Socodka Deyn Cafinta Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Garaadada Sool Oo Ka Warbixiyay Dagaalka Laascanood Una Mahad Celiyay Sheekh Xasan Deheeye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More