Waddan Uu Ruushku Ku Qasbay Inay Xukuumaddiisu Is Casisho

Dowladda Moldova ayaa burburtay, waxaana xilka ka degay ra’iisul wasaarihii taageersanaa Midowga Yurub, kadib 18 bilood oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah.

Dalkan oo ugu saboolsan Yurub ayaa la halgamayay “dhibaatooyin badan”, Ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya Natalia Gavrilita ayaa tiri Jimcihii.
Iyadoo dagaalka uu ka socdo dalka ay jaarka yihiin ee Ukrain, Moldova waxa ay wajahday sicir barar, qiimaha tamarta oo circa galay, qulqulka qaxootiga iyo gardarada Ruushka.

Warkan ayaa soo baxay saacado un kadib markii gantaalada Ruushka ay dul mareen hawada Moldova.

Marwo Gavrilita oo ku dhawaaqday in ay xukuumaddedu xilka iska casishay jimcihii ayaa sheegtay in markii dawladeeda la doortay 2021, aysan cidina ku xisaabtamayn in ay maarayn doonto “dhibaatooyin badan oo ay sababeen gardarada Ruushka ee Ukraine”.

Moldova waxa ay aad ugu dhowdahay furinta dagaalka – waxa ay xuduud dhan 1,222km (759 mile) la wadaagtaa dalka Ukraine, waxa ayna dhibaato weyn kala kulantay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

“Waxaan la wareegay dowladda si aan uga hortagno musuqmaasuqa, horumarinta iyo taageerada Midowga Yurub xilli shabkadaha musuqmaasuqu ay qabsadeen dhammaan hay’adaha, Dambiileyaashuna waxay dareemeen inaan la taaban karin,” Ms Gavrilita ayaa shir jaraa’id ku sheegtay.

“Markiiba waxaa nala soo gudboonaatay xadgudub xagga tamarta ah, kuwa sidaan sameeyayna waxay filayeen inaan is dhiibno,” ayay tiri, iyadoo ula jeedda Ruushka.

Qalalaase dhanka tamarta ah ayaa ka dhashay sanadkii hore markii Ruushku uu si lama filaan ah u dhimay gaaska uu siin jiray Moldova, dalkan 100% ku tiirsanaa gaaska Ruushka. Waxay sababtay sicir bararka oo cirka isku shareeray, waxaana jiray kacdoon dadweyne oo ka dhashay kharashka badan ee tamarta ku baxaya.

Madaxweyne Maia Sandu ayaa uga mahadcelisay Ms Gavrilita “naf hurnimada ay sameysay iyo dadaalka ay ku hogaamineyso dalka xilli ay jiraan dhibaatooyin badan”.

“Waxaan haysanaa xasillooni, nabad iyo horumar, halkaas oo kuwa kale ay doonayeen dagaal iyo khasaare,” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxay isla markiiba u magacawday lataliyihii hore ee difaaca Dorin Recean – oo sidoo kale taageersan Midowga Yurub – inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga. Baarlamaanka Moldova ayaa u codayn doona si loo xaqiijiyo magacaabistiisa toddobaadka soo socda.
Maalmihii hore ee dagaalka Ukraine, waxaa jirtay cabsi laga qabay in isku dhacu uu u gudbo Moldova, ama laga yaabo in Ruushku uu sidoo kale soo galo dalkan.

Walaacaasi hadda wuu yaraaday, balse markii ay Moldova ku sii dhawaanaysay inay ku biirto Midowga Yurub, waxa kordhay cadaadiska ka imanaya Ruushka – oo isku dayay inuu wiiqo dawladdan hore ee Soofiyeedka, iyo saamaynta Midowga Yurub.

Digniin adag oo uu jeediyay Khamiistii, ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku sheegay in Ruushku uu wado qorshe uu ku “burburinayo” Moldova, sida ay sheegeen sirdoonka Ukraine.

Dhukumeentiyadani waxay muujinayaan cidda, goorta iyo sida uu Ruushku u jebinayo dimuqraadiyadda Moldova una maamuli doono,” ayuu hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ugu sheegay shir madaxeedkii uga socday magaalada Brussels ee xarunta ururkan .

“Waxaan isla markiiba uga digay Moldova hanjabaadahaas,” ayuu raaciyay.

Ciidamada sirdoonka Moldova ayaa markii dambe xaqiijiyay in ay sidoo kale aqoonsadeen “dhaqdhaqaaqyo qaran dumis ah” oo looga dan leeyahay “in lagu wiiqo dawladda Jamhuuriyadda Moldova, khalkhal gelinta iyo ku xadgudubka nidaamka dadweynaha.”

Waxay sidoo kale xiisad ka soo cusboonaatay gobolka Transnistria, oo ah dhul ka go’ay dalkaasi oo ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee taageersan Ruushka, kaasoo mara xadka Moldova uu la wadaago Ukraine, waxaana halkaasi ku sugan ilaa 1,500 oo askari oo Ruush ah.

Toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku dayayaan in ay Moldova ka hor keenaan Ruushka – sida uu ku andacoodey in ay hore ugu sameeyeen Ukraine.

Natalia Gavrilita ayaa ra’iisul wasaare noqotay bishii Ogosto ee sannadkii 2021 ka dib markii xisbiga Madaxweyne Sandu oo u ol’oleeysa ka mid noqoshada Midowga Yurub ay ku guuleystey doorashadii baarlamaanka ee aqlabiyadda ahayd.

Waxay hore u soo noqotay wasiirka maaliyadda Juun 2019 ilaa Noofambar 2019 markaas oo Maia Sandu ay ahayd ra’iisul wasaare.

Related posts

Calanka Somaliya Oo Mudo Sadex Cisho Ah Hoos Loo Gadhay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Xoogan Oo Burburiyay Bakhaarkii Hubka Ee Ururka Xisbulaah

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Xuduudaha Dalka Turkiga Keenay 1000 Taangi Iyo Diyaarada Iyo Ujeedada Laga Leeyahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More