Borama News Network

Madaxweynaha kenya oo ka hadlay ciidamada ka jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga Washington ayaa difaacay go’aankiisa ku dhawaad kun askari oo booliis ah ugu diray Haiti si ay wax uga qabtaan rabshadaha halkaas ka socda.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, ayuu Mr Ruto sheegay in dalkiisa uu kumannaan askari u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Soomaaliya, sidoo kalena ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay gacan ka geystaan soo afjaridda dambiyada ka dhaca Haiti.

Wuxuu sheegay in Kenya ay gacan ka geysan doonto sidii ay dhabarka uga jabin lahayd kooxaha burcadda ah ee halkaasi ku sugan.

Mareykanka ayaa boqol milyan oo dollar ugu yaboohay howlgalka. Kenya, qaar ayaa dhaleeceeyay ciidamada la geynayo dalka, sababtoo ah caqabado amni oo gudaha ka jira awgeed.

Related posts

Ciidanka Ilaada Xeebaha Ee Dalka Gariiga Oo La Ogaaday In Ay Dad Somali Ah Badda Ku Daayiyeen

Abdiaziz Bnnstaff

Afhayeenka Gaashaanka DFS oo sheegay in deegaanka Wargaadhi ay gacanta ku haayaan Ciidamada dowladda

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Gabilay Iyo Xisbiga Mucaaridksa Ah Ee Wadani Oo Heshiis Cusub Wada Galay Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay Heshiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff