Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Kenya William Ruto Oo Sheegay In Dalkiisu Ciidamo Deg Deg Ugu Dirayo Dalka Hati

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in booliskiisa nabad ilaalinta la filayo in ay gaaraan Haiti saddax toddobaad gudahood si ay u joojiyaan rabshadaha sii kordhaya.

Wareysi gaar ah uu siiyay BBC ayuu madaxweyne Ruto ku xaqiijiyay in koox qorsheyn ay hore u gaareen Haiti iyagoo la kulmay booliska dalka si ay diyaargarow u sameeyaan ka hor inta aysan ciidamada Kenya imaan.

Mr. Ruto ayaa hadalkan sheegay gabogabada booqasho saddax maalmood ah uu Washington ku tagay oo ah booqasho rasmi ah tii ugu horeysay uu madaxweyne Afrikan ah ku tago Mareykanka in ka badan 15 sano.

Aqalka cad ayaa ku baaqay in degdeg loo geeyo Haiti ciidamo ay Kenya horkaceyso kaddib markii labo ka mid ah lammaane Mareykan ah jimcihii lagu dilay halkaas.

Kooxo burcad ah ayaa inta badan dalka la wareegay iyagoo burbur iyo dagaal ka dhigay caasimadda Port-au-Prince kaddib markii la dilay madaxwdeyne Jovenel Moïse bishii July 2021.

Related posts

Warar been abuur ah oo sii huriyey xiisad ka dhalatay ‘weerar mindi loo adeegsaday’ oo ka dhacay Ingiriiska

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Kala Baxay Dalka Haiti Ee Rabshadaha Ka Socdaan.

Abdiaziz Bnnstaff

Caqabad Wayn Oo Soo Foodsaartay Shirkii Urur Goboleedka IGAD Iyo Dowlada Qaadacday Ka Soo Qaybgalka Shirkaasi

Abdiaziz Bnnstaff