Borama News Network

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo loogu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan difaaca Madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Guddiga Difaaca Qarannimada, Madaxbannaanida & wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska ku nool ugu baaqay in doorkooda ay ka qaataan howlaha horyaalla guddigaan si looga hortago xad-gudub weliba oo Dalka lagu sameeyo.

Mas’uuliyiin katirsan Guddigaan ayaa warbixin la wadaagay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska waxaana ay u sheegeen in howlo kala duwan uu Guddigu qabtay si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024.

Qaar kamid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa dhankooda ballanqaaday in ay door wanaagsan oo firfircoon ka qaadanayaan difaaca wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qurba-joogta Soomaalida ayaa ka dhiidhisay damaca gurracan ee fashilka kusoo biya-shubtay ee Itoobiya ku shaacisay in ay heshiis la gaartay Maamulka Gobollada Waqooyi (Somaliland) kaas oo dhigaya in ay heleyso qayb kamid ah Biyaha Soomaaliya.

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday in ay doorweyn ka qaataan qadiyadda ilaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Related posts

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS “Ciidanka dowladda ayaa hadda gacanta ku haayo deegaanka Sabiid iyo Caanoole”,

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Mar Kale Ciidamo Cusub U Tababaraysa Dowlada Somaliya Iyo Saraakiil Ciidan Oo Turkish Ah Oo Soo Gaadhay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Federaalka Somaliya oo Somaliland ku eedeysay ‘inay carqaladeyn ka waddo’ hawada

Abdiaziz Bnnstaff