Kaddib wadahadallo magaalada Moscow ku dhex maray madaxda Ruushka iyo mas’uulka ugu sarreeya arrimaha dibadda ee Beijing, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Ruushka uu uga mahadcelinayo Shiinaha mowqifka dheellitiran ee joogtada ah ee uu ka qaatay dagaalka Ukraine.
Waxa ay sidoo kale soo dhaweysay diyaar garowga Beijing ee ah in ay ka ciyaarto waxa ay ugu yeertay door wanaagsan oo ku aaddan dejinta xiisadda Ukraine.
Wadahadallada Wang Yi uu la yeeshay Madaxweyne Putin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergei Lavrov ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka hor sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii Moscow ee Ukraine.
Waxaa la rumeysan yahay in Shiinuhu uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo weli saameyn ku yeelan kara Mr Putin ee arrimaha ku saabsan dagaalka Ukraine.