Waxaa weli duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dhinacyada ay xalay Ciidamo aad u farabadan keeneen aagagii lagu dagaalamay, taas oo keentay in waaberigii hore ee saaka in markale uu dagaalka billaawdo.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa waxaa lagu yiri” Dowladda Somaliland ayaa bulshada Caalamka waxay ugu baaqday in maanta ay weerar ku soo qaadaan Maamul goboleedka Puntland.
Somaliland ayaa sheegtay kaliya inay u banaantahay inay iska difaacaan
Muddo saddex todobaad ah ayuu Magaalada Laas-Caanood ka socdaa dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda kala dhex-gashay.