Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaarada Soomaaliya ee ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Maalinguur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS oo mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradda.

Related posts

Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay In Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Aanu Aaminsanay Qadiyada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Mustafe Cagjar” “Marnaba Uma Dulqaadan Doonno Shakhsiyaadka U Gacan-Haadinaya TPLF”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More