Dowlada Oo u Yeedhay Safiirkeeda Dalka Qatar Iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Maanta Kusii Jeeda Dooxa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dowladda Soomaaliya ee Qatar u jooga Amb. C/risaaq Faarax Cali Taano.

Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay dowladda Qatar ayaa waxaa dowladdaas lagu wargeliyay in Safiirka Soomaaliya ee Dooxa wadatashi loogu yeeray inuu u yimaado magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa si KMG ah Sii-hayaya Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Isbedelkaan cusub ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagayo magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Amb. C/risaaq Taano ayaa ka mid ahaa Safiirada ugu awoodda badnaa ee dowladii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana isku xire u ahaa xiriirka dowladdii hore iyo dowladda Qatar.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska

Related posts

Wada Hadalo U Dhexeeya Dowlada Afganistan Iyo Taliban Oo Dib Uga Furmaya Dalka Qadar

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Ayaa Soomaaliya Ka Hirgelinaysa Xarumo Lagu Dardargeliyo Howlaha Gargaarka.

Bnnstaff Bnnstaff

DFS Oo Madaxwaynaha Bangiga Horumarinta Afrika Uga Warbixisay Heerka Uu Marayo Hannaanka Deyn Cafinta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More