Dab Khasaaro Hantiyadeed Geystay Oo Ka Kacay Mall Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Dab khasaaro hantiyadeed geystay ayaa waxaa xalay fiidkii uu ka kacay Mall ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkaas uu ahaa mid xooggan lagu guuleystay demintiisa saacado xiriir ah oo uu socday kadib.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo Ganacsi oo ku dhex yaallay Mall-ka, oo ay lahaayeen dad Ganacsato oo ku hanti waayay dabka, iyadoona deminta dabka ay iska kaashadeen Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkaddaha leh gaadiidka dab demiska.

Qaar kamid ah Ganacsatada ku hanti weyday dabka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, isla markaana uu baabi’iyay goobo Ganacsi oo ku yaalay gudaha Mall-ka gubtay.

Dabka ayaa si gaar ah u sameeyay qeybo ay ku yaaleen Carwooyin lagu iibinayey dharka iyo qeybo kale, waxaana la sheegay in dabka uu markii hore ka bilowday Haamo, kadibna uu kusii faafay qeybo kale, sidaasina uu dabka ku xoogeystay.

Ma jirto wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi, Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale Suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga kacay dabab xooggan oo khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan geystay.

Related posts

Dowlada Turkiga Oo 100 Maraakiibta Dagaalka Ah Si Rasmi Ah U Hawl Galisay Iyo Xiisad Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Puntland Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dhameytirka Doorashada Socota

Bnnstaff Bnnstaff

“Xisbiga Waddani Ayaa Abaabulay Qaskii Xalay” Cuqaasha Madaxweynihii Hore Ee Somaliland.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More