Borama News Network

Ciidamada Masar oo rasaas ku furay kuwa Israel ee jooga halka laga galo Rafax

Telefishin laga leeyahay Israel oo la yiraahdo kanaal 13 ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax. Telefishinka ayaa sheegay in askarta Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Isreal ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Dhinaca kale dowladda Sucuudiga ayaa dhaleeceysay wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in boqortooyada ay ka horjeedo sii socoshada wax ay ugu yeertay xadgudub cad oo ay ciidamada Israel ku sameynayaan dhammaan qeynuunada caalamiga ee bani’aadannimo.

Tirada dhimashada duqeynta shalay ee Rafax ayaa gaareysa 45 qof oo ay ku jiraan 23 haween ah, carruur iyo waayeel. Dhaawac ayaa gaaraya 249 qof

Related posts

Nin dab isku qabadsiiyey afaafka hore ee Safaaradda Israa’iil ee ku taalla Washington

Abdiaziz Bnnstaff

Itoobiya Oo Qiratay In Ay Somaliya Hawada Ka Celisay Diyaaradii Siday Waftiga Itoobiyaanka Ah Ee U Socday Magaalada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxan Ballan qaadaya inaad igu badhaadhi doontaan”Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Ucid

Abdiaziz Bnnstaff