Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo La Kulmaya Madaxda Siyaasadda Itoobiya

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken, ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa gelinka dambe ee maanta uu la kulmo hoggaamiyeyaasha siyaasadda, si uu u qiimeeyo dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa shaqaalaha gargaarka iyo kooxaha bulshada rayidka isaga oo kala hadli doona xaaladda bini’aadantinimo ee ka jira halkaas.

Dagaalka sokeeye ee labada sano socday ee u dhexeeyay dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigreega ayaa loo malaynayaa in ay ku naf waayeen in ka badan nus malyuun qof.

Mr Blinken ayaa u safri doona dalka Niger kadib booqashadiisa Itoobiya halkaas oo uu kala hadli doono dhaq-dhaqaaqa urarada argagixisa ee kusii kordhaya gobolka Saaxil.

Related posts

Hanjabaadii Cuslayd Ee Ururka Xamaas Oo Bedelay Go’aankii Yuhuuda Joojiyayna Socdaal Ay Ku tegayeen Qudus

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay In La Soo Daabacayo Lacago Cusub Oo Ay Itoobiya Yeelanayso

Bnnstaff Bnnstaff

“Dhulbahante Maha Reer Nooho Qaado Shurgudoonkan Faratoon Wuu Soo Baxaya Ee Calaw Kursigaga Ha Wayin” Ugaas Cabdirisaaq Koosaar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More