Tahriibayaal Ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Turkiga Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Ilaalada Xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ugu yaraan 4 qof ku geeriyootay meel ka baxsan Xeebaha Badda Aegean ee dalkaasi, kadib, markii ay Ilaalada Xeebaha ee dalka Giriiga dib u soo celiyeen 2 Dooni oo ay la socdeen ugu yaraan 42 qof oo Magangelyo-doon ahaa (at least 42 asylum-seekers).

Kooxaha ka tirsan Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Türkiye ayaa soo badbaadiyey 38 Muhaajiriin Shisheeye ah oo la socday labadii doon ee ay Giriiga soo celiyeen.

Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Türkiye.

Dhanka kale, Afarta Muhaajiriinta geeriyootay ayaa kala ahaa 3 Nin iyo Haweeney.

Dalalka ay u dhasheen muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaan weli la shaacinin, balse, nin ka badbaaday Shilkaasi oo u dhashay dalka Liberia ayaa sheegay inay Ciiddanka Boliska ilaalada Xuduudaha ee dalka Giriiga ay khasab ku soo celiyeen, iyagoo garaacay Muhaajiriinta, kana jejebiyeen Mobayladii ay wateen.

Ibrahim Camara oo ka badbaaday Shilkaasi ayaa waxa uu haatan la joogaa xaaskiisa oo lagu daaweynayo Isbitaalka The Söke Fehime Faik Kocagöz State Hospital.

Related posts

Muxuu Yahay Xukunka Ay Xeerbeegtida Maraykanku Ku Rideen Ninkii Dilay George Floyd

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Sobobta Ay U Joojinayso Gaadiidka Loo Yaqaano Vitista

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Dowladda Oo Dagaal Kula Wareegay Degaano Katirsan Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More