Turkiga Oo Doonaya In 120 Maalmood Loo Kordhiyo Heshiis Hore u Dhexmaray Ukaine Iyo Ruushka

Turkiga ayaa sii wadaya wada-xaajoodyada ku aaddan, in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska ogolaanaya in dekedaha ku yaalla badda madow ee dalka Ukraine, in laga dhoofiyo sareenka, taas oo haatan uu Turkigu doonayo in heshiiskaas la kordhiyo illaa 120 maalmood, halka uu haatan ka yahay 60-ka maalmood.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay socdaan wadahadallo ku aaddan arrintan oo la isla eegayo qodobada heshiiska, iyada oo ay muhiim tahay sii socoshada heshiiskani. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso in heshiiskan la kordhiyo illaa 120 maalmood halka haatan ay tahay 60 maalmood.

Ankara ayaa sheegtay in dhinacyadu ay haatan qiimaynayaan oo ka go’aan gaadhayaan in heshiiska la kordhiyo, iyada oo Turkigu uu rajo ka muujiyo in natiijo wanaagsani ka soo baxdo.

Bishii July ee sannadkii hore ayaa Ukraine iyo Ruushku waxay gaadheen heshiis ay dabada ka riixaysay Qaramada Midoobay isla markaana uu Turkigu ka qayb qaatay kaas oo lagu ilaalinayo marinada badda ee uu marayo sarreenka laga dhoofinayo dekedaha dalka Ukraine ee ku yaalla badda madow.

Reuters

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Gargaar Deg Deg Ah U Dirtay Magaalada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

Shirkii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Baaqay Oo Qarka U Saaran InUu Baaqdo

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Dowladda Oo Degaano Ka Fuliyay Howlgal Lagu Soo Saaray Qaraxyo Miinooyin Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More