Minnesota: Mareykanka Oo Cabdiraxmaan Kaahin u Aqoonsatay Ganacsadaha Sannadka 2023,

Madaxa Maamulka Ganacsiga Yaryar ee dowladda Maraykanka Isabella Casillas Guzman, ayaa ku dhawaaqday shakhsiyaadka hoggaaminaya ganacsiyada yar ee sanadka 2023-ka ee 50-ka gobol ee Mareykanka, degmada caasimadda, iyo deegaanka Puerto Rico.

Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin ah loogu qaban doonaa magaaladan Washington DC, 30-ka April, iyadoo 1-da May-na midkood loo aqoonsan doono ganacsadaha ugu mudan ee sanadkan ee ganacsiyada yaryar ee Mareykanka oo tiradoodu gaareyso 33 milyan.

Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ah milkiilaha maqaayadda Afro Deli ayaa noqday Soomaaligii u horreeyey ee ku guuleysta ganacsadaha sanadka ee gobolka MN waxaana uu ka qeybagli doonaa tartanka guud ee dhacaya bisha May. Wariyaha VOA-da Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka telfoonka kula xiriiray waxaana uu weydiiyay waxa uu aqoonsigan kaga dhigan yahay ganacsatada Soomaalida.

 

Related posts

Dowladda Somalia Oo Sacuudiga Kala Hadashay Diyaargarowga Howlaha Xajka

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir Oo Si Cilmiyaysan Uga Hadlay Xaaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Arimaha Somalida

Bnnstaff Bnnstaff

Lamaane Isqaba Oo Khamri Lagu Soo Qabtay Iyo Taliska Booliska Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More