Namibia Oo Hakisay Ruqsadda Shirkad Ruush Ah Oo Uranium Ka Qodda Dalkaas

Maxkamad ku taalla dalka Namibia ayaa dhegaysanaysa racfaan ay ka qaadatay wakaaladda tamarta atomikada ee Ruushka ee loosoo gaabiyo Rosatom, taas oo doonaysa inay hesho ogolaanshaha la xidhiidha biyaha loo isticmaalo macdanta Uranium-ta.

Dawladda Namibia, oo ah tan labaad ee dunida ugu badan, soo saarista shidaalka Nukliyeerka, ayaa sannadkii hore sheegtay in shirkadda ay leedahay dawladda Ruushku ee Rosatom, inay ku guul daraysatay inay caddeeyaan, inaan habka ay u qodayaan macdanta Uranium-tu inaanu keenaynin wasakhawga hawada.

Shirkadda macdanta ayaa maxkamadda ka codsatay inay dhinac iska dhigto go’aanka wasaaradda beeraha, biyaha iyo dib u habaynta dhulka, iyada oo ku sababaysay inuu ka hor imanayo qodob ka mid ah dastuurka Namibia oo dhigaya in hay’adaha maamulku ay u dhaqmaan si cadaalad ah oo macquul ah.

Shirkaddan ayaa sheegtay inaan fursad loo siin ay ku caddayso habka ay u soo saarayso Uraniumta inaanu ahayn mid sumaynaya biyaha dhulka hoostiisa ku jira, kaas oo ay ku tiirsan yihiin nolol maalmeedka beeralayda deegaanku.

Afhayeen u hadlay shirkadda laga leeyahay Ruushka ayaa sheegay in shirkaddu ay inay ka dalbatay maxkamadda sare dib u eegis ku aaddan go’aan wasaaradda beeraha, isla markaana ay tixgeliso ogolaanshaha qodista.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda beeraha ee Namibia ayaa waraysi hore ugu sheegay VOA in shirkadda laga leeyahay Ruushku in looga baahan yahay inay soo bandhigto caddayn cilmiyaysan oo sheegaysa in habka ay u qodayaan Uranium-tu inaanu wasakhaynayn biyaha dhulka hoostiisa ku jira, haddii ay taas keenaana, ay u ogolaanayaan inay qodistooda bilaabaan.

Related posts

Boqortooyada Sucuudiga Oo La Dagaalamaysa Tabliiqa Iyo Sababta Ka Dambaysa Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Ugu Yaraan 9 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Sobobay Isku Dhaca 29 Gaadhi Oo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Kuuriyada Woqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Cusub Oo Khalkhal Galiyay Jaban Iyo Kuuriyada Koonfureed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More