Maraykanka Oo Digniin Ka Soo Saaray Weeraro Ay Sheegeen In Ay Qorshaynayso Daacish

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ururka ISIS ee fadhigiisu yahay dalka Afghanistan, inay u muuqdaan inay diyaargaraw ugu jiraan inay weeraro ka geystaan wadamada reer galbeedka, ka hor dhammaadka sannadkan.

Inkasta oo ay jiraan dagaalo goosgoos ah oo u dhexeeya ururka Taliban iyo kooxda ISIS ee ka dagaalanta gobolka Khorasan, haddana ururkan ayaa u muuqda inuu diyaar u yahay inuu weeraradiisa ku fidiyo meelo ka baxsan xuduuda dalka Afghanistan, sida uu u sheegay sharcidejiyayaasha Maraykanka, taliyaha taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka Michael Kurilla.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdani ay wax ka yar lix bilood awood ugu yeelan karto, inay si dhakhso ah weeraro aan la sii ogayn ay ku bartilmaameedsan karto danaha Maraykanka iyo wadamada reer galbeedkaba.

Taliyaha ayaa sheegay in meelaha looga cabsi qabo inay bartilmaameedsadaan inay ku jiraan, danaha Maraykanka iyo kuwa wadamada reer galbeedka ee qaaradda Aasiya ama Yurub, hase ahaatee ay ku adag tahay inay weeraro ka geystaan gudaha Maraykanka.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya, hal sano iyo badh ka dib markii ay ciidamada Maraykanku ka soo baxeen dalka Afghanistan, taasoo hoos u dhigtay, hababka uu Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku ay xogo sirdoon uga ururin karaan kooxaha xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo ISIS.

Related posts

27 Qof Oo Lagu Dilay Iska-horimaad ka Dhacay Deegaanka Soomalida iyo Canfarta Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Somaliya Oo Sheegtay In Si Ku Talo-Gal Ah Loo Dilay Guddoomiyihii Hore Ee Degmada Hodan

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaan Oo Iskaga Baxay Deegaan Ay Haysteen Muddo Ku Ku Dhaw 15 Sano

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More