Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Canada Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Wiil Soomaali ah ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee lagu dilay dalka Canada, iyadoo jaaliyadda Soomaalida ee waddankaas ay walaac ka muujiyeen dilalka loo geysto ama ay isu geystaan wiilasha Soomaalida.

Shaqo la’aan haysata Soomaalida iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dilalka dhalinyarada Soomaalida ku nool Canada.
Cusaama Ibraahim Aadan ayaa saaka lagu hor dilay hoygiisa xilli uu usii socday goobta shaqada, sida uu BBC Ibraahim Aadan Sagaar oo ah aabaha dhalay Cusaama.

Waxa uu sheegay Ibraahim in uu maqlay illaa toddobo xabbo oo rasaas ah ka dibna uu noqday qofka rasaastaasi ku dhacday wiilkiisa, isaga oo sheegay in ay naftu ku jirtay marka uu goobta tagey ayna toddoba meelood oo rasaastu uga dhacday dhiig ka qul qulayey.

Dhallinta Canada ee Soomaalida ayaa badanaa ku dhinta dil lagu geysto rasaas ama tooreeyo, iyada oo arrinkan loo saariyo ka mid noqoshada iyo jiritaanka kooxaha buracadda ah ee halkaas ka jira iyo sidoo kale adeegsiga daroogada. waxaase mararka qaar dhacda in qof aan ku shaqa lahayn amuurahan uu la kulmo dhibaatada ay kooxahaasi geysanayaan.

 

Related posts

Deg-Deg: Fanaankii Fanka Ka Fadhiistay Ee Cabdi-Hani Xaashi Oo Muddo Kadib Horyaal La Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

” Barkhad Batuun, Eedaha Dul Hoganaya Iskama leexin ” Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Si Adag Ugu Jawaabay Xildhibaan Batuun

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Doorashooyinka Kenya Oo Shaaciyay In Ay Rag Hubaysani Soo Weerareen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More