Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Qodobo Xasaasiyo Oo Miiska Saaran

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay shirka u dhaxeeya Golaha wadatashiga Qaranka ee ka kooban Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Shirka oo shalay furmay ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Madaxda ay shirka siweyn uga hadlayaan arrimaha ku saabsan amniga sigaar ah billaabida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab wajigooda labaad.

Wuxuu sheegay in Madaxda ay siyen u falan qeeyeen arrimaha Amniga, wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo wax laga weeydiiyay maqnaanshaha shirka ee Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay wada-hadallo hoose u socdaan Madaxda, isla markaana wixii kasoo baxa shirka leysku wada raaci doono.

Related posts

“Xisbigii Kulmiye Indhihiisii Cali Guray Ayaa La Baxay, Baashana…”Siyaasi Cali Qoryooley

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo Tobabar usoo xidhay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Somalida Oo Si Aad Ah U Baranaysa Luuqada Dalka Turkiga Iyo Waxyaabaha U Fududeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More