Dowlada Taiwan Oo Masuuliyiin Sarsare U Haysta In Ay U Basaaseen Shiinaha

Taiwan ayaa laba sarkaal oo horey uga tirsanaa ku soo oogtay dacwad ah inay ku xad-gudbeen sharciga amniga qaranka iyagoo abaabulayay shirar dhex maray saraakiishii hore ee militariga iyo sirdoonka Shiinaha.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in labadan masuul ay ka shaqeeyeen safarka 13 sarkaal oo si bilaash ah ku tagay dalka Shiinaha intii u dhaxeysay 2013-kii ilaa 2018-kii, iyada oo lagu xukumi doonaa min shan sano oo xarig ah haddii dambigaas lagu heli.

Raggan ayaa mar sii horreysay beeniyay inay basaasiin u yihiin dowladda Shiinaha. Kulamadaas dhexmaray iyaga oo Shiinaha ayaa sidoo kale la sheegay inay sare u qaaday midowgii Shiinaha iyo Taiwan.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo iskeed hadda isku maamusha inay tahay gobol ka go’ay, wuxuuna wacad ku maray in uu maamulkeeda la hoos keeni doono Shiinaha, haddii loo baahdo.

Related posts

Xukumadda Somaliland Oo Shaacisay Cuno Yaraan soo Food Saartay Bulshadda.

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Puntland Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dhameytirka Doorashada Socota

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Qoyska Marxuum Cali Khaliif Galaydh

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More