Qarax Lala Eegtay Askar Kenyan Ah Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isigu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Kenya.

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo ka baxay degaanka Kiyuunga ayaa kusii wajahnaa deegaanka Shangaani, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Askarta Kenyanka ah ay qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay.

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa mar walba ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Related posts

DILLA: Muuqaalka Soo Dhawaynta Madaxwayne Muuse Biixi Ee Degmada Dila

Mustafehaji

“Hadaa Nahay Beesha Reer Aw-Xasan Waxaan Nahay Dhibanayaal U Dhiban Wax Aysan Iyaga Shaqul Ku Laheyn”

Bnnstaff Bnnstaff

Ergayga Gaarka Ah Ee Maraykanka U Qaabilsan Geeska Africa Oo Is Casilay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More