Waxaan Sameeyay Guddi Maamula Xisbiga Haddii La I Xidho” Raysal Wasaare Hore Imran Khan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sameeyay guddi hoggaamin doona xisbigiisa haddii la xiro, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saacado ka hor inta aan la horgeyn maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo.

Halyeeygii hore ee cricket-ka xulka Pakistan ayaa hoggaaminayay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay, kadib markii xukunka laga riday sannadkii hore, waxaana la diiwaan geliyay kiisas badan oo isaga ka dhan ah.

Booliska ayaa isku dayay inay qabtaan Talaadadii, laakin kuma guuleysan, taasoo keentay in ay isku dhacaan taageereyaasha xisbigiisa.

“Waxaan sameeyay guddi go’aano qaadan doona – haddii – la i xiro” ayuu 70-jirkan ku sheegay wareysi uu ku bixiyay gurigiisa Lahore kahor inta uusan u ambabixin Islamabad subaxnimadii Sabtida.

Waxa uu sheegay in 94 kiis lagu soo oogay.

Khan, oo toogasho lagu dhaawacay bishii November ee sannadkii hore, ayaa sheegay in halista noloshiisa ay ka weyn tahay sidii hore, wuxuuna caddeeyay – isagoo aan bixin caddayn – in dadka kasoo horjeeda siyaasadda iyo milaterigu ay doonayaan inay kahor istaagaan inuu isu soo taago doorashada dhammaadka sannadkan.

Reuters.

Related posts

“Habluhu Soon Uun Ku Jiri Maayaaane, Habluhu Rag Ayay u Baahan Yihine u Hiiliya Hablaha”Wasiir Mahdi

Bnnstaff Bnnstaff

Xeer Ilaalinta Ethiopia Ayaa Sharci Kasoo Saartay Isticmaalka Baraha Bulshada.

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Dalka Kenya Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyo Kala Duwan Oo Ay Gaysteen Xiligii Bandooga Corona Virus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More