Maraykanka oo sheegay in dembiyo dagaal oo la geystay intii ay socotay colaadda Ethiopia

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada milateriga ee Ethiopia ee ENDF, ciidamada Eriteria, ciidamada xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu inay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Ethiopia.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay weriyayaasha in xubno ka mida ciidanka milateriga ee Ethiopia, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu inay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ku jiraan dilal, kufsi, iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu inay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, inay si khasab ah u sameeyeen masaafurin ama ay ku kaceen isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Go’aankan ayaa yimi ka dib safarkii uu toddobaadkii hore ku tegey wasiirku dalka Ethiopia, halkaas oo uu amaanay horumarka laga sameeyey hirgelinta heshiiskii nabadeed, hase ahaatee ka gaabsaday inuu dib u soo celiyo heshiiskii ganacsiga ee Maraykanka.

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca malaayiin qof.

Afhayeenka xukuumadda Ethiopia Legesse Tulu oo laga dalbaday inuu ka jawaabo arrintin ayaan ka falcelinin, sidoo kale afhayeenka ra’iisal wasaare Abey Ahmed ayaan isaguna ka jawaabin arrintan.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada milaterige Ethiopia Colonel Getnet Adane, Wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Gebremeskel, afhayeenka TPLF Getachew Reda iyo afhayeenka xukuumadda gobolka Amxaarada Gizachew Muluneh ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo loo diray oo arrintan la xidhiidha.

Reuters

Related posts

Dhibaatadu Waxay Ka Taagan Tahay Waxa Binu Aadanku Qabanayo Marka Ay Abaari Dhacdo” Wasiirka Cali Mareexaan

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraare Iyo Ex Wasiir Maareeye Oo Shirku Kulmay Iyo Ujeedada Shirkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Lagaga Hadlaya Kulanka Hogaamiyayaasha Midowga Yurub Iyo Afrika Ee Ka Furmaya Brussels?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More