Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab Lagu Laayay 3000 Oo Ka Mid Ah Alshabaab

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-shabaab ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ku dhawaad 3,700 oo kale looga dhaawacay dagaallo ka dhacay deeganno ka tirsan maamul goboleeyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee howlgalkan uu ahaa in la isku furo degmooyinka waddanka, wuxuuna sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo oo 575 kiilo mitir ah ka ka mid tahay waddooyinka sida caadiga hadda loogu safri karo.

VOA-du ma xaqiijin karto tirada uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab markii uu mar labaad kusoo noqday madaxtooyada bishii May ee sannadkii hore, waxana uu sheegay inuu diyaariyay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab intii uu ka maqnaa xukunka dalka.

Ciidamada Xoogga dalka oo taageero ka helay kuwa deegaanka ee macawisleyda iyo kuwa saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan duuqeymo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada AFRICOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Related posts

” Waxaynu u Baahanahay Siyaasad Ku Dhisan Midnimo Iyo Aqoon ” Cabdirisaaq Ataash

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Dhisaayay Somaliland Lawada Leeyahay Siyaasaduna Waa Hadhka Labadiisa Galin” Maxamuud Xaashi

Bnnstaff Bnnstaff

Toos U Daawo Qudbada Sanadeedka Madaxwayne Muuse Biixi Uu Ka Hor Jeedinayo Baarlamaanka Somaliland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More