Meydka Atoore kale oo la helay, lagana shaki qabo inuu isdilay

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Asif Basra, oo ku jiray musalsalkii Paatal Lok iyo filimka Kai Po Che, ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisa tahay 53 sano.

Waxaa atoorahan meydkiisa laga helay guri kiro ah oo uu ka dagganaa goob loo dalxiis tago oo ku taalla meel u dhow magaalada Dharamshala, waxaana laga shakisan yahay inuu isagu isdilay.

Taliyaha booliska ee deegaanka Himachal Pradesh, Sanjay Kundu, ayaa xaqiijiyay dhimashada Asif, wuxuuna sheegay inuu meeshaas ku noolaa shantii sano ee ugu dambeysay. Wuxuu intaas ku daray in atoorahan uu goobtaas ku lahaa meherad qaxwada lagu iibiyo oo ay la maamuleysay haweeney saaxiib la ah.

Saraakiisha booliska ayaa aragtidii ugu horreysayba tuhmay in kiiskan uu yahay mid isdilitaan ah.

Sanjay Kundu ayaa BBC-da laanteeda luuqadda Hindiga ku yidhi: “Baaritaanka ugu horreeya wuxuu muujinayaa in kiiskan uu yahay mid la xiriira walwal oo mar kale ka dhacay Himachal Pradesh. Booliska gobolka ayaa faahfaahin buuxda ka haya dhacdooyinka la xiriira walwalka. Waxayna kiiskan ku hayaan il gaar ah.”

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in kooxda baadhitaanka goobaha ay dhiamshada ka dhacdo ay billaabeen howsha lagu ogaanayo xaqiiqda ku saabsan geerida jilaaga.

Qaar ka mid ah jilayaasha Bollywood-ka, oo ay ka mid yihiin Anushka Sharma iyo Kareena Kapoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida Asif.

Fili soo saare Hansal Mehta ayaa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee ka falceliyay warka ku saabsan dhimashada jilaagaas, wuxuuna bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: “Run ma noqon karto… warkan waa mid aad iyo aad u murugo badan.”
Asif wuxuu noqonayaa atoorihii labaad ee sanadkan gudihiisa ku geeriyooda dalka Hindiya, lagana shakisan yahay inuu isdilay.

14-kii bishii June waxaa guri ku yaalla magaalada Mumbai laga helay meydka Susant Singh Rjput, oo ahaa jilaa caan ah oo soo kacayay. Waxay booliska sheegeen in atoorahaas uu isdilay.

Kumuu ahaa Asif Basra?
Asif Basra, oo 53 ahaa, wuxuu dhawaan qeyb ka ahaa musalsal dhinaca internet-ka ku baxayay oo lagu magacaabo Patal Lok.

Wuxuu horay uga soo muuqday filimkii laga sameeyay qarixii Mumbai ka dhacay 1993-kii, Black Friday iyo filim kale oo laga sameeyay rabshadihii 2202-dii ka dhacay gobolka Gujarat, kaasoo lagu magacaabo Parzania.

Asif Basra wuxuu sidoo kale jilay filimada ay ka mid yihiin Jab We Met , Kai Po Che , Krrish iyo Once Upon a Time in Mumbai.

Wuxuu sidoo kale caan ku ahaa riwaayadaha ku baxa luuqadaha Ingiriiska, Hindiga iyo Urdu-ga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumada Muuse Biixi Oo Walaac Ka Muujisay Soo Labo Kaclaynta Covid 19 Fariina Dirtay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Biden Oo Digniin Culus Ujeediyay Dhigiisa Dalka Ruushka Putin

Bnnstaff Bnnstaff

Suuqyada Magaalada Garoowe Oo Laga Diiday Isticmaalka Lacagta Shilin Somaliga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More