Dowlada Sucuudiga Oo Balaayiin Dolar Ku Maalgashanaysa Dalka Shiinaha

Shirkadda weyn ee shidaalka soo saarta ee ay leedahay dawladda Sucuudigu ee Aramco ayaa maalgashi ballaadhan oo ku kacaya balaayiin doollar ku samaynaysa dalka Shiinaha, taas oo ay ka mid tahay, inay dalkaas ka dhisaan wershedo shidaalka safeeya, sida ay shaacisay shirkaddani.

Maalgashigan ay ku samaynayaan dalka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo shirkaddaasi ay macaashtay sannadkii 2022 lacag gaadhaysa illaa $160 bilyan.

Sucuudiga oo wakhti dheer saaxiib dhow la ahaa dalka Maraykanka ayaa haatan u muuqda mid u sii janjeedhsanaya dhinaca Shiinaha.

Shirkadda Aramco ayaa sidoo kale saami ka iibsatay qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee dalka Shiinaha, sida shirkadda Rongsheng Petrochemical Co. Ltd oo ay ka iibsatay saami gaadhay 10% oo u dhigma $3.6 bilyan.

Sida ku cad heshiisyada ay wada galeen shirkaddan iyo shirkadaha shidaalka ee Shiinuhu, waxaa shirkadda Aramco ay u dhoofin doontaa 480,000 oo foosto maalintii shirkadaha shiinaha ee qaabilsan hawlaha sifaynta shidaalka.

AP

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Oo Sheegtay In Uu U Taagan Yahay Ilaalinta Midnimada Iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Wada Hadal U Furmay Dalalka Ruushka Iyo Ukraine Xili Wali Dagaalku Ka Socda Gudaha Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Fanaanada Safiyo Tusmo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More