Dowlada Itoobiya Oo Xabsiga Ku Gurtay Dad Gaadhaya 250 Qof Oo Lala Xidhiidhinayo Dagaalka Tigreyga

Ku dhawaad 250 qof ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kuwaas oo looga shakiyay inay qorsheynayeen inay taageero u raadiyaan Tigray xilli uu dagaal halkaas ka socdo, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli ciidamada dowladda ay howgallo ay ku qabsanayaan gobolka Tigray.

Hogaamiyaha Tigray wuxuu ku eedeeyay dowladda inay duqeyn ay ku laaysay dad rayid ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.

Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in adeeg gargaar oo loo fidinayay kumannaan ruux uu halis u yahay inuu joogsado sababo la xiriira dagaalka ka billowday gobolka Tigray.

Catherine Sozi, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya, ayaa BBC-da ku tidhi: “Waxaa lasoo tabiyay inay go’een adeegyo muhiim ah, sida burka iyo shidaalka.”

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Iraan:- Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Nin Loo Daldalay Dambi Uu Galay Yaraantiisii

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Hubka Uu Madaxwayne Erdogan Siiyay Itoobiya Xiligan Uu Socdo Dagaalku

Bnnstaff Bnnstaff

HARGEYSA: Xukuumada Ku Soo Rogtay Xanibaad Fiditaanka Magaalooyinka Hargeysa, Borama, Burco iyo

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More