Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo La Kulamay Odayaasha Dhaqanka Ee Ka Tagay Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Magaalada Muqdisho .

Qoraal kooban oo uu bartiisa face buugga soo dhigay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu uga hadlay kulanka ay wada yeesheen isaga iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaan ka tagay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadanaya xal u helida colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood.

Gudoomiye Cabdirisaaq khaliif ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee ka socda Koofurta Soomaaliya in dhaqanka laascaanood ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta laascaanood balse dhinaca Soomaaliland Nabadda ay ka doorteen in dagaalka ay ku sii wadaan laascaanood.

Odayaasha Dhaqanka ee ka Tagay Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa doonaya in wada hadal lagu xaliyo colaadda ka taagan Laascaanood.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In Somaliland Laga Mamnuuco Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Jabhada Tigray Oo Bililiqeystay Gagaar Uu Maraykanka U Waday Gobolka Amxaarada

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Gedo Oo War Kasoo Saaray Doorashada Garbahaaray, Cadeeyey Mawqifkooda.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More