Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Mulu Nega u magacaabay madaxa fullinta ee gobolka Tigray.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay ayaa sheegay in tallaabada magacaabiista ay ka dambeysay kaddib go’aan ay wada gaareen xildhibaanada Aqalka Sare iyo golaha wasiirada oo ku saabsanaa maamulka Tigray.
Ninkan waxay shaqadiisa noqon doontaa in uu soo magacaabo saraakiil ka tirsan axsaabta siyaasadeed ee Tigray si ay uga mid noqdaan maamulka cusub ee gobolka.
Nulu Nega wuxuu ahaa wasiirka seyniska iyo waxbarashada sare tan iyo Bishii April.
Wuxuu horraan bare ka ahaa jaamacadda Addis Ababa.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolkan oo uu ku eedeeyay in uu wado dhaqdhaqaaqyo ka baxsan sharciga dalkaas.
Ciidamada federaalka waxay haatan howlgallo ka fulinayaan deegaanno ka tirsan gobolka.
Geesta Kale Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo saraakiisha ugu sarreysa gobolka Tigray xilli ciidamada federaalka ay howlgal militeri ka wadaan gobolkaas.
Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xiro siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliyo Tigray.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu maamule ku meel gaar ah usoo magaacabay gobolka.
Waxaa weli Tigray ka socdaa dagaallo xooggan, waxaana laga yaabaa in tallaabadan ay xaaladda uga sii darto.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com