Raysal Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Shiirka Shiinaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaqliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

 

Related posts

Dowlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada-Hadlay Dardar Gelinta Wada-Hadallada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

AKHRISO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Dagaalka Ukraine Iyo Ruushka

Bnnstaff Bnnstaff

“Anigu Ma Ihi Sirdoon Ee Waxan Ahay Xildhiban Qaran Xasan Shahar Na …”. Xildhiban Nuuradiin Axmed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More