Borama News Network

Militariga Mareykanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen 3 ka tirsan dagaalyahannada ISIS

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Related posts

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Saaray Jadwalka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 22 Dhallinyaro Ah Oo Ku Xernaa Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff

Calanka Soomaaliya Oo Shalay Laga Taagay Xarunta Looga Taliyo Toronto

Abdiaziz Bnnstaff