Qof kasta waa uu lasoo kulmay amaba la kulmi karaa dhibaatada injirta gasha timaha madaxa mararka qaar, ama xiliyo kala duwan. Khaasatan gabdhaha, ayaa dhibkan uu aad ugu badan yahay.
Had iyo jeer ayaa waxaa la sheegaa in injirtu ay gasho timaha madaxa. Tallaabooyin kala duwan ayaa sidoo kale la bixiyaa, si loogga saaro injirta timaha.
Hase yeeshee, wax badan kama naqaano sida injirta madaxa ugu korto, ama sida ay ugu faafto.
Qormadan, aynu ku faaqidnaa sida injirtu u Taranto, iyo siyaabaha loogga hortago.
Sidee injirtu timaha madaxa u gashaa?
Sida kaliya ee injirta madaxa ku gali karto, waa iyada oo timada madaxyada dadka kale ay xiriir yeeshaan madaxaaga.
Taranka, ayaa wuxuuu ka bilawdaa in ugxanta ay gasho timaha.
Dhiigga dadku waa waxa ay quudato injirta. Injirtu waxay isku qarin kartaa timahaaga maalintii oo idil. Madaxa ayay ka qaniinaysaa, oo dhiigga ayay kaa nuugaysaa.
Injirta si toos ah ugama dhalato timaha madaxa. Waxayse ka timaadaa madaxyada dadka kale, oo ay gashay kal hore, sababo nadaafad daro la xiriirta.
Injirta waxay ku faaftaa dadka kale ay taabtaan, ama la fal galaan timaha madaxeenu.
Qaar badan ayaa la ciyaara caruurta. Waxaa laga yaabaa in markaas ay istaabtaan madaxyadooda. Waqtigaas marka injirta waxay heleysaa fursad ay ugu kala wareegto madaxyada.
Sidoo kale, carruurtu waxay ku madadaalaan ciyaaro badan. Sidaa darteed, carruurtu aad bay ugu nugul yihiin in injirta madaxa ka gasho, marka loo eego dadka waaweyn.
Injirtu waxay isku qarin kartaa wakhti dheer dadka timaha dheer. Waxa kale oo ay noqotaa arrintaasi sabab kale oo ay aad ugu faafto Injirta.
Isku xirka taleefannada casriga ah iyo injirta
Ka waran haddii lagu yiraahdo waxa jira xiriir ka dhexeeya telefoonada casriga ah, iyo fiditaanka injirta.
Waa in la caddeeyaa in aanay taleefanada casriga ah aaney faafin Injirta.
Laakiin dhallinyaradu waxay isaga qaadaan taleefanada casriga sawiro la isku soo dhowaanayo oo selfie loo yaqaano, taasoo ka dhigaysa in Injirta ay aad ugu fududahay inay faafto.
Sababtoo ah, inta ay iska qaadayaan selfie-ga, daawashada muuqaalo iyo sawiro qosol leh, dhalinyaradu waxay fariistaan iyagoo madaxoodu isku dhow yahay.
Xaaladdan oo kale injirta waxay halaysaa fursad wanaagsan, oo ay ku gasho madax qofka kale.
‘Mana duusho, mana boodi karto Injirtu’
Laakiin, waa in aan maskaxda ku haynaa in Injirta aanay madaxu duulitaan ku tagi karin, ama xitaa booditaan.
Markaa, injirtu waxay u gudbi kartaa oo keliya timaha madax kale marka ay is taabtaan. Marka taas laga reebo, Injirtu kuma soo gaari karto madax kale boodis ama duulitaan.
Waxay ka baxaan timaha ilaa xididdada. Intaa ka dib, waxay madaxa galiysaa iyadoo ukun ah waxayna bilaabaan taran.
Injirta lama dareemo ilaa ay madaxa galaan oo ay koraan. Dadka qaarkiis waxay xasaasiyad ka qaadaan qaniinyada injirta.
Masii noolaan karaan muddo dheer
Daraasado la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in Injirta aysan ku noolaan karin madaxa aadanaha muddo dheer.
Maadaama Injirta aysan duuli karin ama boodi karin, waa laga hortagi karaa. Marka la ogaado iney ku jiro timaha madaxa, waa la baabi’in karaa, haddii si degdeg ah loo nadiifiyo.
Waxay Injirta ku sii jiri karataa muddo gaaban oo keliya timaha madaxa aadanaha.
Sababtoo ah kama helaan jawi ku habboon si ay ugu sii noolaato timaha madaxa bini’aadamka, sida timaha Bisadda/Yaanyuurta ama Eyga.
Timaha labada xayawaan ee aan soo xusnay , way u fududahay inay isku qariyaan oo ay ku dhex tarmaan, laakiin kama heli karaan goobo noocaas oo kale timaha madaxa aadanaha.
Markay madaxa galaan, kuma sii nagaan karaan halkaasi muddo dheer. Laakiin taas waxaa muhiim ah in la ilaaliyo lana kormeero madaxa carruurta, khubarada ayaa sidaasi sheegtay.
Dadka qaarkood waxay la kulmaan dhibaatooyin halis ah ka dib qaniinyada Injirta. Haddii dadka noocaas ah ay la tashadaan dhakhtar, waa la daweyn karaa.