Dil Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka raggaas uu ka dambeeyay, kadib markii xaafad ka tirsan Boosaaso uu ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray laba koox oo dhalinyaro ah, ayna dagaalkaas ku soo baxeen Ciidanka amniga.
Ciidanka Booliska oo doonayay inay dhalinyarada kala eryaan ayaa joojinta dagaalka u adeegsaday rasaas, waxaana markii dambe rasaasta ay fureen Ciidamada ku dhacday laba kamid ah dhalinyarada, iyagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro dhowr ah oo qeyb ka ahaa dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray, waxaana qaar kamid ah rasaas soo gaaray dhaawacyo loo adeegsaday dhagxaan.

Si kastaba Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la tilmaamay in xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal la xiriira dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray dhalinyaro kamid ah kuwa deegaanka, iyagoona mararka qaar isku geysta dhaawacyo kala duwan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaro Ka Dhashay Hoobiyaal Lagu Garaacay Xaafado Ka Tirsan Degmada Wadajir

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Digniin Adag U Diray Xildhibaanada Golahaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xaaladaha Covid 19 Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More