Itoobiya Oo Kumanaan Ciidan Kala Baxday Somaliya Iyo Sobobta Keentay

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidankeeda kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dib ugala baxayaan, iyagoona ka hadlay sababta keentay in Ciidankooda ay xiligaan kala baxaan dalka.

Illaa 3,000 askari oo ah Ciidanka Difaaca Qaranka dalka Itoobiya ayaa laga saarayaa Soomaaliya, waxaana Ciidankaas dalka u joogeen ka qeyb galka howlgalka midowga Afrika ee AMSIOM, iyagoona ka qeyb qaatay howlgalo la fuliyay.
Sidoo kale Ciidanka ka baxaya Soomaaliya ayaa waxaa ay xoojin u ahaayeen oo ay caawinayeen 5,000 oo askar Itoobiyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhan ah Gobolka Tigree-ga ee ka socda Waqooyiga dalkaas oo galay maalintii 10-aad, waxaana dagaalkaas ka dhacay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bishii lasoo dhaafay boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana Ciidankaas lagu soo bedelay kuwo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Xukuumadda Iyo Mucaaridku Ha u Tudhaan Dalkan Iyo Dadkan” Gudiga Wanaag-fariska.

Bnnstaff Bnnstaff

Mucaaridka Yuhuuda Oo Ku Heshiiyay Dhismaha Xukuumad Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Hanjabaad U Diray Dad Uu Sheegay In Ay Lacago Urursadaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More