Borama News Network

Daadad xooggan oo ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka. Dhowr goobood ayaa lagu dhawaaqay aagagga musiibada.

Heerka webiga ayaa si degdeg ah sare uguu kacay, ka dib roobab mahiigaan ah iyo duufaano. Meelaha qaarkood ka dhacay, biyuhu waxay gaareen heerkii ugu sarreeyay muddo qarni ah.

Biyo-xireen ayaa karkaarada jabsaday degmada Diedorf, waxaana qasab noqotay in xabsiga Memmingen la daadgureeyo. Boqolaal qof ayaa loo sheegay inay ka baxaan guryahooda, oo aan ka fogeyn harrada Constance.

Kooxaha samatabbixinta oo watay doomo – iyo diyaarad helikobter ah ayaa ka caawinayay dadka inay baxsadaan. Tareenada ka baxa Bavaria ilaa Switzerland ayaa la joojiyay. Roob badan ayaa la saadaalinayaa saacadaha soo socda.

Related posts

Dowlada Sacuudiga Oo 12 sano kaddib Safiir u magacawday Suuriya.

Abdiaziz Bnnstaff

Joe Biden Oo Ku Guulaystay Magacaabista Musharraxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Dimuqraadiga

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan oo korortay iyo Israa’iil oo xaddiday isku imaatinada waqooyiga

Abdiaziz Bnnstaff