Shirkadda Wagner Oo Iska Fogeysay Iney Ku Lug Leedahay Dagaalka Ka Socda Dalka Sudan

Madaxa shirkadda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, ayaa sheegay in shirkaddooda militariga ee gaarka loo leeyahay, aysan qeyb ka ahayn dagaalka ka socda dalka Suudaan in ka badan laba sano.

“Waxaan kuu sheegi karaa hubaal buuxa, oo sax ah, maanta, ma jirto wax katirsan shirkadda milatariga ee gaarka loo leeyahay (PMC) Wagner oo qeyb ka ah dagaalka Sudan.

“Mr Prigozhin ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay qeybta Telegram-ka ee Kepka Prigozhina (Prigozhin’s Hat).

Waxa uu u jawaabayay saxafi ka tirsan majaladda afka Faransiiska ku hadasha ee Jeune Afrique, oo waydiisay in kooxda Wagner ay taageerto kooxda loo yaqaan RSF, ee dagaalka kala soo horjeeda militariga Sudan.

Urur ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta Suudaan, ayaa sheegay in 39 ka mid ah 59-ka isbitaal ee ku yaalla caasimadda Khartoum iyo gobollada ku dhow, ay yihiin kuwo haatan “aanan fidin Karin adeeg” taasoo muujineysa xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee dalka Sudan.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Qodobada Lagu Falanqeeyay Shirkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Soo Saaray Amar Cusub Iyo Waxyaabaha Uu Khuseeyo Amarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ee Congo Oo Shaacisay In Ay Soo Weera Ku Soo Qaaday Dalka Rwanda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More