Madaxwayne Xasan Sheekh Oo War Kasoo Saaray Nabadoonadii Lagu Dilay Weerarkii Masagawaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo lagu dilay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa xusay in falka Alshabaab ay ku dileen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso dhibaatada lagu haayo dadka Soomaaliyeed,

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku dhibaateeyaan haldoorka iyo guud ahaan dadka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Alshabaab laga saaray deegaanno badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii Al-Shabaaab in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

Related posts

Dhalinyarada Xaafada Saambeeriya Ee Bariga Borama Oo Deeq U Qaybiyay Dadka Danyarta Ah Ee Xaafadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban

Bnnstaff Bnnstaff

Faahfaahino Ka Soo Baxay Gantaalo Ay Halgamayaasha Reer Falastiin Ku Garaaceen Yuhuuda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More