Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Ansixiyay Xeer Muhiim Ah Oo La Horgeeyay

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulankii 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana shir guddoominayay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Akhrinta saddexaad qodob-qodob uga dooday Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland , iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 36 Mudane, halka 1 mudane diiday, 1 mudanana ka aamusay
Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynayaasha Turkiga Iyo Ruushka Oo Daahfuray Wajiga Sadexaad Ee Warshada Nukliyeerka Ee Dalka Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Rag Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Dalka Itoobiya Iyo Tirada Dadka La Laayay

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dhismaha Jidka Borama Iyo Lawyacado

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More